Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in uunan jiri doonin qof ka mid ah howlwadeennada caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo ay shaqo la’aan saameyn doonto iyadoo lagu wareegaya sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHIF).
Waxaa uu dadweynaha u sheegay in nidaamkan cusub uu noqon doono mid dhawaan si buuxda loo howlgeliyo oo shaqeynaya in kastoo ay jireen caqabado lala kulmay tan iyo markii la soo bandhigay gaar ahaan labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.
Madaxweynaha dalka ayaa shaaciyay in 12.9 milyan oo qof ay iska diiwaangeliyeen caymiska cusub ee (SHA).
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan isbitaallada dowladda iyo boqolkiiba 50 ee isbitaallada gaarka ah ay hadda adeegsanayaan hannaankan.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa maamullada isbitaallada khaaska ah ku boorriyay in ay dardargeliyaan diiwaangelinta si loo taageero wajiga ugu dambeeya ee lagu soo bandhigaya caymiska.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladdu ay soo saartay 3 bilyan oo shilin si loo bixiyo qarashaadka adeegyada caafimaadka ee qaybta ka ah caymiska.