Rigathi Gachagua oo sheegay in la isku dayay in la sumeeyo

0
423

Madaxweyne ku xigeenkii dalka ee dhawaan xilka laga qaaday Rigathi Gachagua oo maanta isbitaalka ka soo baxay islamarkaana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhammaan saraakiishii ilaalada u ahaa lagala laabtay.
Waxaa uu sheegay in madaxweyne William Ruto uu mas’uuliyadda qaadanaya haddii ay waxyeello soo gaarto.
Gachagua ayaa xusay in labo mar oo uu ku sugnaa ismaamullada Nyeri iyo Kisumu la isku dayay in cunto loogu talagalay la sumeeyo si looga takhaluso.
Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ka dib uu warbixin u gudbiyay adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS isagoo codsaday in laga wareejiyo ciidamadii la shaqeynayay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu naftiisa u qoofay.
Waxaa uu intaasi ku daray in naftiisa ay halis ku jirto islamarkaana uu badqabkiisa u cabsi qabo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xil ka qaadistiisi ay ahayd mid siyaasadeysan oo aan niyad sami ku saleysnayn.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayuu ka codsaday inuu u hoggaansamo amarkii ay maxkamadda ku laashay xil ka qaadistiisi iyo magacaabidii Kithure Kindiki.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta keentay in lagala laabto ilaallada hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi iyo Nyeri, in sida uu hadalka u dhigay uunan darawaliin haysan sidoo kalena la fasaxay shaqaalihii ka howlgalayay xafiiskiisa.
Rigathi Gachagua ayaa ku celceliyay inuu keliya codsanaya in isaga iyo qoyskiisa la badbaadiyo maadaama sida uu xusay sanadkii ugu dambeeyay uu la kulmay dhibaatooyin siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahnaa in senatarrada aqalka sare ay siiyaan fursad uu iskaga difaaco eedeymihii loo jeedinayay ee loo cuskaday xil ka xayuubintiisa.
Gachagua ayaa tilmaamay in la sugi karay maadaama uu xanuunsaday oo uu isbitaal ku jiray oo aynan jirin sabab keenaysay in la dedejiyo geeddisocodkaasi.
Waxaa uu madaxweynaha qaranka oo uu eedeymo u jeediyay xusuusiyay inuu taageeray xilli uu garab u baahnaa.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in galinkii dambe ee Khamiistii uu soo foodsaaray xanuun dhanka xabadka ah taasi oo keentay in isbitaalka la dhigay.
Gachagua ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu cadaalad heli doono wuxuuna ku adkeystay inuu weli yahay madaxweyne ku xigeenka qaranka.
Dowladda dhexe ayaan weli ka jawaabin eedeymaha uu maanta jeediyay Rigathi Gachagua.