Madaxa waaxda cadaaladda dalka Martha Koome ayaa tacsi u dirtay qoyska , ehellada iyo asxaabta garsoore Zena Atetwe Rashid Jalenga oo saaka geeriyootay.
Zena ayaa ka howlgalaysay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi qaybteeda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira ganacsiga.
Martha Koome ayaa sheegtay in xaakinka ay geeriyooday ka dib muddo dheer oo ay xanuunsanayd.
Waxay ku tilmaantay shakhsi ay ka go’nayd xaqiijinta cadaaladda iyo nidaamka kala dambeynta.
Waxay intaasi ku dartay in garsoore Zena ay waajibaadkeeda shaqo u gudan jirtay si dadaal leh oo waafaqsan mabaadi’ida dastuuriga ah.
Koome oo qoraal ku xustay in ay aad uga naxday geerida garsooraha ayaa sheegtay in ay qoyska ay haweeneydan ka baxday murugada la qaybsanaysa xilligan adag.