Kindiki oo madaxweynaha dalka ku soo dhaweeyay Kwale oo maanta lagu qabanaya dabbaal degga maalinta qaran ee halyeeyada

0
205

Kithure Kindiki oo dhawaan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka waddanka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku soo dhaweeyay ismaamulka Kwale oo maanta lagu qabanaya dabbaal degga maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day.
Waxaa sidoo kale Kindiki ku wehlinayay soo dhaweynta madaxweynaha wasiirka wasaaradda maalgashiga, ganacsiga iyo warshadaha ee waddanka Salim Mvurya, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo iyo barasaabka ismaamulka Kwale, Fatuma Maxamad Achani.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro garoonka Kwale Stadium oo uu haatan ka socda qaban qaabada u dabbaal degga maalinta qaran ee halyeeyada waddanka ee Mashujaa Day.