Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay diyaaradaha ay Kenya joojisay

0
670

Dowladda Soomaaliya ayaa arrin la yaab leh ku tilmaantay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyada labada dal u kala goosha.
Dowladda Kenya oo aan wax sabab ah shaacin ayaa sheegtay in laga billaabo maanta illaa bisha sideedaad ee sanadkan ay hakinayso duulimaadyada ka yimaada ama aada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Duraan Axmad Faarax oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in aysan waxbo kala socon go’aanka Kenya ay ku hakisay duulimaadyada isla markaana aanay fahmi karin.
“Runtii arrin la yaab leh ayay inoola muuqataa, wax la fahmi karana ma aha iyadoo hadda laisla lahaa dowladda Soomaaliya rabtay in lasoo celiyo heshiiskii labada dal..labo maalmood ka bacdi in Kenya ay qaadato go’aan noocan ah waa arrin aanan fahmeyn waxa ka dambeeyana aanan garan karin”