Israa’iil oo xaqiijisay in la duqeeyay hooyga Netanyahu

0
162

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo hagay dhanka dalka Lebanon lagu duqeeyay hooyga Netanyahu ee magaalada Caesarea ee Waqooyiga Tel Aviv.
Wargeyska The Times of Israel ayaa qoray in aynan jirin waxyeello ka dhalatay weerarkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii duqeyntu ay dhacaysay aynan Netanyahu iyo xaaskiisa ku sugnayn guriga.
Shacabka magaaladaasi ayaa sheegay in ay maqleen dhawaq culus ka hor inta uunan qaraxu dhicin.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarkaasi uunan ka hor istaagi doonin in ay sii wadaan duqeymaha .
Wargeyska ayaa ku warramaya in sidoo kale la soo riday labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.