Xil ka qaadista Gachagua oo lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda

0
339

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in madaxweyne ku xigeenkii waddanka Rigathi Gachagua si rasmi ah xilka looga xayuubiyay.
Xalay ayay ahayd markii senatarrada aqalka sare ay ayideen xilka qaadista Gachagua.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa sheegay in Rigathi Gachagua lagu caddeeyay 5 dacwadood.
Gachagua ayaa wajahayay ilaa 11 dacwadood.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto la filayaa in uu soo magacaabo madaxweyne ku xigeen cusub, ka dibna uu u gudbiyo golaha qaran ee xeer dejinta si ay u ansixiyaan.