Xildhibaanka mooshinka ka gudbiyay madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in looga baahneyn inuu caddeymo soo bandhigo

0
291

Mwengi Mutuse oo ah xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni islamarkaana baarlamaanka u gudbiyay mooshinka xil ka qaadista ee madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in aan looga baahneyn in uu caddeeyo eedeymaha ka dhanka ah hoggaamiyaha labaad ee waddanka.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay senatarrada aqalka sare ay dalbadeen caddeymo adag si loo xaqiijiyo in 11-ka eedeymo ee uu wajahaya Rigtahi Gachagua ay xaqiiq ku saleysan yihiin.
Xildhibaanka Galbeedka Kibwezi ayaa sheegay in shaqadiisa aysan ahayn inuu caddeeyo eedeymaha ka dhanka ah Gachagua.
Hasa ahaate uu gutay wajibaadkiisa dastuuriga.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo aqalka sare ee dalka ay gelinkii dambe ee maanta go’aamin doona masiirka madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa lagu wadaa in senatarrada aqalka sare ay maanta ayidaan go’aankii xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saaraan.
Toddobaadkii ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka dalka ay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Rigathi Gachagua codkooda ku taageeray 282 xildhibaan ah halka 44 kale ay ka soo horjeesteen, iyadoo hal mudane oo uu kalfadhigaasi ka maqnaa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shalay xilli uu hortegay aqalka sare uu iska fogeeyay dhammaan 11-ka eedeymo ee ay xildhibaanada baarlamaanka toddobaadkii hore xilka uga xayuubinyeen.