Maxkamadda sare oo sheegtay in kiiska Gachagua loo wajihii doona hab dastuuri ah

0
273

Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ayaa sheegtay in haddii hannaanka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua maxkamadda la soo gudbiyo ay garsoorayaasha raacayaan sida dastuurka uu qeexaya.
Philomena Mwilu ayaa sheegtay in kiiska Gachagua loo wajihi doona hannaan dastuuri ah.
Hadalka ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka ayaa ku soo aadaya iyadoo 29 dacwadood uu madaxweyne ku xigeenka dalka maxkamadda u gudbiyay.
Gachagua ayaa doonayay in maxkamadda ay aqalka sare ka hor istaagto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah.
Hasa ahaate, maxkamadda ayaa diiday dacwadaha uu soo gudbiyay madaxweyne ku xigeenka dalka.