Isbitaallo ku yaalla marinka Qaza oo ay cuntada gabaabsi ka tahay

0
284

Shaqaalaha isbitaallada Kamaal Adwan, al-Awda iyo Indonesia ee marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegay in cuntadu ay gabaabsi ka tahay xarumahaasi caafimaad.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo militeriga Israa’iil ay maalinkii 13-aad ee weerarro dhulka ah kawadaan aaga xerada qaxootiga ee Jabalia ee Waqooyiga Qaza.
Maamulka difaaca madaniga ee Qaza ayaa sheegay in ay awoodi waayeen inay soo saaraan meydadka tobanaan qof oo ku hoos jira burburka dhismayaal ay burburiyeen duqeymaha militeriga Israa’iil ee xerada Jabalia.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku dhintay in ka badan 42,409 qof halka lagu dhaawacay 99,153 kale.
Dhanka kale, ciidamada qaramada midoobay ee ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan (UNIFIL) ayaa sheegay in saraakiishooda nabad ilaalinta ay mar kale weerarro kala kulmeen militeriga Israa’iil oo duqeymo kawada koonfurta waddankaasi.