Qareennada Gachagua oo su’aalo kulul weydiyay xildhibaankii gudbiyay mooshinkii xilka looga qaaday madaxweyne ku xigeenka

0
227

Xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Mwengi Mutuse ahna mudanihii baarlamaanka u gudbiyay mooshinkii xilka looga qaaday ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa hortegay aqalka sare ee waddanka.
Waxaa su’aalo weydiiyay qareennada sharciga ee matalaya Gachagua.
Elisha Ongoya oo ka mid ah qareennada Gachagua ayaa Mutuse weydiiyay inuu caddeeyo sheegashada mooshinkiisa.
Xildhibaabka Galbeedka Kibwezi ayaa ku andacooday in madaxweyne ku xigeenka uu aruursaday dhaqaale dhan 5.2 bilyan oo shilin tan iyo markii uu xafiiska qabtay.
Qareen Ongoya ayaa su’aal galiyay sax ahaanshiyaha tirada uu sheegay xildhibaanku, madaama mudanaha uunan lahayn khibrad uu ku sameeyo qiimayntan.
Ongoya ayaa si toos ah u weydiiyay xildhibaanka cida la wadaagtay in madaxweyne ku xigeenka uu aruuriyay dhaqaale dhan 5.2 bilyan oo shilin muddada uu xafiiska jooga.
Mutuse ayaa ku jawaabay in tiradaasi ay tahay qiyaas ku salaysan qiimaha dhulka iyo hantida.
Mutuse ayaa sidoo kale lagu xujeeyay in uu soo bandhigo caddeymo muujinaya in Gachagua uu adeegsaday wakiilo si uu u lunsado 3.7 bilyan oo shilin ee qandaraaska maro kaneecada ee muranka dhalisay.
Hasa ahaate xidlhibaanka ayaa ku guuldareystay inuu soo bandhigo caddeyn sugan oo sheegashadan ku aadan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sidoo kale iska fogeeyay dhammaan 11-ka eedeymo ee ay xildhibaanada baarlamaanka toddobaadkii hore xilka uga qaadeen.
Eedeymaha waxaa ka mid ah ku xadgudubka dastuurka iyo in uu awooddiisa hoggaamineed ku tagriifalay.
Gachagua ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda islamarkaana uu ku guuldareystay in uu ilaaliyo waajibaadkiisa.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta senatarrada aqalka sare ay ayidaan go’aankii xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saari doonaan.