DHAGEYSO:Gachagua oo iska fogeeyay 11 eedeymo, xilli uu hortegay aqalka sare si uu isu difaaco

0
158

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo maanta hortegay aqalka sare ee waddanka ayaa iska fogeeyay dhamaan 11 eedeymo ee ay xildhibaanada baarlamaanka toddobaadkii hore xilka uga qaadeen.
Eedeymaha waxaa ka mid ah ku xadgudubka dastuurka iyo in uu awooddiisa hoggaamineed ku tagriifalay.
Gachagua ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda islamarkaana uu ku guuldareystay in uu ilaaliyo waajibaadkiisa.
Waxaa eedeymahan senaatarrada u akhriyay karraaniga aqalka sare Jeremiah Nyegenye.
Aqalka sare ayaa hataan dhageysanaya eedeymaha ka dhanka ah Gachagua, iyadoo berri la filaya in senatarrada ay ayidaan go’aankii xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saari doono.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maxkamadda sare ee dalka ay saaka diiday inay soo saarto amar senatarrada aqalka sare looga hor istaagaya hannaanka dhageysiga mooshinkii xilka looga qaaday ku xigeenka madaxweynaha waddanka Rigathi Gachagua.
Garsoorayaasha kala ah Erick Ogolla, Antony Mrima iyo Frida Mugambi ayaa go’aankooda u cuskaday in danta qaranka ay ku jiro in aqalka sare uu sii wado qorshahan.
Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha xil ka qaadista ka dhanka ah Rigathi Gachagua.