Aabbe iyo wiilkiisa oo afar sano jir ahaa oo lagu dilay duuleedka magaalada Dhuusamareeb

0
117

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duuleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu dilay Aabbe iyo Wiil yar oo uu dhalay.
Aabbaha la dilay isaga iyo wiilkiisa yar oo 4 sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Shire, waxaana dilka isaga iyo wiilkiisa lala xiriiriyay inuu yahay mid salka ku haya aargoosi aano qabiil ah.
Dilkan argagaxa leh ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaadle oo qiyaas ahaan dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ilaa 40 kiilomitir.
Waxaa la soo wariyay in dableydii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaadle ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhalatay dilka naxdinta leh ee loo gaystay Aabbaha xoolo dhaqatada ahaa iyo Wiilkiisa yar.
Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka naxdinta badan ee loo gaysto dadka shacabka ah oo aan waxba galabsan.
Waxaa sidoo kale gobolladaasi meelo ka mid ah haatan ka jira dagaal beeleedyo khasaarooyin kala duwan gaystay.