Maxkamadda sare oo diiday in aqalka sare laga hor istaago dhageysiga mooshinkii xilka looga qaaday Gachagua

0
144

Maxkamadda sare ee dalka ayaa saaka diiday inay soo saarto amar senatarrada aqalka sare looga hor istaagaya hannaanka dhageysiga mooshinkii xilka looga qaaday ku xigeenka madaxweynaha waddanka Rigathi Gachagua.
Garsoorayaasha kala ah Erick Ogolla, Antony Mrima iyo Frida Mugambi ayaa go’aankooda u cuskaday in danta qaranka ay ku jiro in aqalka sare uu sii wado qorshahan.
Qareennada matalaya Gachagua ayaa doonayay in maxkamadda ay ka hor istaagto aqalka sare ka doodista mooshinkii xilka looga qaaday madaxweyne ku xigeenka ilaa la dhageysanaya go’aana looga gaaraya dacwadda ay gudbiyeen
Garsoorayaasha ayaa sheegay in Gachagua uu haysto fursad kale haddii aqalka sare uu ayido xilka qaadistii ay baarlamaanka ku sameeyeen.
Waxay xuseen in madaxweyne ku xigeenka uu maxkamadda dacwad u gudbi karo, haddii uu ku qanci waayo go’aanka ay gaari doonaan senatarrada aqalka sare.