Ismaamulka Kwale oo markii ugu horreysay taariikhda Kenya lagu qabanayo maalinta qaran ee halyeeyada

0
344

Ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa wada u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee sanadkan ee Mashujaa day.
Waxaa dowlad deegaanka Kwale markii ugu horreysay taarikhda Kenya uu martigelin doona xuska maalinta qaran ee halyeeyada.
Dabbaal degga ugu wayn ee maalinka Mashujaa Day oo ah midkii 61-aad ah ayaa la qabanaya 20-ka bishan.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in munaaasabaddan lagu qaban doona garoonka kubadda cagta ee ismaamulka Kwale.
Waxaa uu tilmaamay in dayactirka garoonka uu si habsami leh u socdo, iyadoo u diyaargarowga xuskan uu heer gabogabo ah maraya.
Xuska maalinta Mashujaa ee sanadkan ayaa diiradda lagu saari doonaa mowduuca guryaynta ee guryaha la awoodi karo, oo ah ajendaha koowaad ee maamulka madaxweyne Wiliam Ruto.