DHAGEYSO:Soomaaliya oo deeq waxbarasho u fidineysa ardayda Suudaan

0
331

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro deeq waxbarasho ah oo ay siinayaan ardayda dalka Suudaan oo waxbarashadoodii ay meesha ka saareen dagaallada ka socda dalkaasi.
Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday furitaanka deeqo waxbarasho oo loo fidinayo 30 ka mid ah ardayda waddanka Suudaan ee doonaya in ay waxbarasho sare ka helaan Soomaaliya.
Tallaabadan ayay wasaaraddu ku sheegtay inuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Suudaan.
Waxay wasaaraddu sheegtay inay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan.
Dhanka kale, safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa bogaadisay go’aanka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, ee ku aaddan in deeq waxbarasho loo fidiyo ardayda reer Suudan.
Safaaradda ayaa sheegtay in go’aankan uu sidoo kale muujinayo mahadnaq iyo abaalmarin loogu talagalay shacabka reer Suudaan, kuwaas oo wakhti dheer ka shaqeynayay badbaadinta ardayda Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aanta ku dhacday markii burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay nidaamka waxbarashada.
Agaasimaha guud ee hiddaha iyo tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Maxamuud ayaa arrintan warbaahinta uga warramay.