Booliiska Kamukunji oo labo qof u xiray bastoolad meel lagu qariyay oo ay dadka deegaanka arkeen

0
535

Booliiska deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa labo qof u xiray bastoolad meel lagu qariyay.
Labada qof ayaa la qabtay shalay ka dib markii booliiska ay gacanta ku dhigeen bastoolad ay ku jireen 10 rasaas ah, taas oo lagu qariyay dhagxaan hoostooda deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Bastooladda oo ay leeyihiin ciidamada booliiska ayaa wali la garan sababta halkaas loo dhigay.
Wiilal goobta ku cayaarayay kubad ayaa booliiska ku wargeliyay arrintan ka dib markii ay arkeen bastoolad meel lagu qariyay.