DHAGEYSO:Shir looga tashanayay aayaha gobolka Waqooyi Bari oo lagu soo gabagabeeyay Mombasa

0
561

Magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay shir saddex maalmood u socday hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari iyo qaar ka mid ah aqoonyahanada gobolkaasi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray in ka badan 60 sano waxa sababay hormar la’aanta gobolka Waqooyi bari.
Waxay isla qaadeen caqabadaha hortaagan gobolka ee saddexda ismaamul ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Wajeer Maxamad Cadow ayaa sharraxay qodobbada ay shirka uga hadleen.

Barasaab ku xigeenkii hore ee ismaamulka Isiolo Maxamad Guuleed Simba ayaa xusay in waxyaabaha ka soo baxay shirkan ay la wadaagi doonaan madaxweynaha dalka si dib u dhaca gobolka looga tallabsado.

Dhanka kale, mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Bariga Mandera Xuseen Weytaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in danaha gobolka laga wadatasho.