Raila oo dalbaday in si degdeg ah loo soo dhiso IEBC

0
473

Musharraxa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dhameystiro guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay muhiim u tahay maareynta doorashooyinka ku celiska ah.
Sidoo kale waxaa uu xusay in ay arrintan xaqiijinaysa geeddisocod daahfuran oo lagu xalliyo murannada la xiriira doorashooyinka.