DHAGEYSO:Culimada Garissa oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad ka taagan Tana River

0
427

Qaar ka mid ah culimada magaalada Garissa ayaa baaq nabadeed u diray beelo wada dega dowlad deegaanka Tana River ee gobolka Xeebta oo ay colaad dhex martay.

Waxaa baaqan mid la mid ah diray Ugaas Cismaan raaqiso oo ka mid ah waxgaradka Mandera oo beelaha dagaallamaya ku boorriyey in ay colaadda joojiyaan isla markaana odayaasha deegaanka ay ka shaqeeyaan nabad galyada.