Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka hor yimid xil ka xayuubintii lagu sameeyay

0
349

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac ayaa si adag uga hor yimid tallaabadii uu Shalay guddoomiyaha Aqalka sare uga xayuubiyay xubinnimadii kursiga golaha Aqalka sare.
Saalax Axmed Jaamac ayaa tallaabada xil ka xayuubintiisa ee uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo baalmarsan dastuurka dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale iska biri yeelay inuu ka maqnaa dhammaan kulamada Golaha Aqalka sare, isagoo sheegay inuu ka qayb galay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah ay si Wadajir ah uwada yeesheen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee xilka xayuubinta Salaax Axmad Jaamac ayaa Golaha Aqalka sare ka dhex dhalisay dood xooggan oo hareysay, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kursigiisa loo wado in loo magacaabo Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka uu soo saaray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya:-