Raila oo hoggaanka xisbiga ODM si ku simo ah ugu wareejiyay barasaabka ismaamulka Kisumu

0
378

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa hoggaanka xisbigan ku wareejiyay barasaabka ismaamulka Kisumu Anyang’ Nyong’o.
Anyang’ Nyong’o ayaa si ku simo ah u ahaan doona hoggaamiyaha xisbiga ODM, maadaama Raila Odinga uu ku mashquulaya ololaha ugu dambeeyay ee uu ugu jiro qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da
Mr. Odinga oo hadal ka jeediyay shirka guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga ODM (NEC) oo ka dhacay magaalada Mombasa, ayuu sheegay in Anyang’ Nyong’o uu si joogto ah u siiyay aasaas adag xisbigan tan iyo markii la aasaasay 20 sano ka hor.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay guddiga dhexe ee maamulka ODM ee loogu magacaabay Anyang’ Nyong’o inuu yahay ku simaha hoggaamiyaha xisbigan uu xaqiijin doono inuu horumariyo fikradaha xisbiga.
Shirka guddiga qaran ee fulinta ee ODM ee NEC ayaa sidoo kale lagu ansixiyay magacaabis dhawaan uu sameeyay guddiga dhexe ee maamulka xisbiga, ka dib markii ay mas’uuliyiin sarsare oo xisbiga ka tirsanaa ay ku biireen dowladda islamarkaana xilal wasiir loo magacaabay.