Afar qof oo ku dhimatay iska horimaad ka dhacay ismaamulka Tana River

0
524

Waxaa maanta afar qof oo dheeraad ah lagu dilay tuulada Meti ee deegaanka Waqooyiga Tana ee ismaamulka Tana River.
Tirada guud ee ku dhimatay isku dhacyada beelo halkaasi wada degga ayaa gaartay 18 qof muddo toddobaad gudaheed.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Tana River David Koskei ayaa sheegay in koox dhallinyaro ah oo ka soo jeeda hal beel oo ku hubeysan baangad ay weerar ku qaadeen nin ka soo jeeda beel kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in afar ka mid ah dhallinyaradii weerarka soo qaadday toogasho lagu dilay.
Koskei ayaa xusay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (GSU) oo goobta dhacdada laga soo tabiyay gaaray ay xaaladdu dajiyeen.
Deegaannada isku dhacyada beelaha laga soo tabiyay ayaa kala ah Bangal iyo Waqooyiga Tana.
Tuulooyinka ay isku dhacyada saameeyeen ayaa kala ah; Madogo, Areri, Saka, Sala, Mororo, Mbalambala, Hirimani, Hosingo, Dukanotu, Chewele iyo Nanighi.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa amar ku bixiyay in dadka deggan meelaha ay rabshaduhu saameeyeen in dhammaan hubka ay haystaan ay ku soo wareejiyaan laamaha ammaanka.