Mushaarka ugu hooseeya ee shaqaalaha oo boqolkiiba 6 lagu kordhinaya laga billaabo bisha 11-aad ee sanadkan

0
379

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa qorshaha lagu kordhinaya mushaarka ugu hooseeya ee la siiyo shaqaalaha.
Ogeysiis uu ku saxiixan yahay wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada, Dr. Alfred Mutua ayaa lagu sheegay in qorshahan uu dhaqangalaya koowda bisha 11-aad ee sanadkan.
Geeddisocodkan ayaa ugu yaraan boqolkiiba 6 lagu kordhinaya qiimaha mushaarka ee ugu hooseeya.
Waxaa qorshahan ka faa’iideysanaya kumanaan shaqaale ah oo helayay mushaharka ugu yar.
Go’aankan ayaa daba socda wada hadallo bilo u socday dowladda, ururrada shaqaalaha iyo shirkadaha loo shaqeeya.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in howlaheennada la siiyo mushaar u dhigma inta ay ku biiriyaan dhaqaalaha waddanka.
Waxaa tallaabadan soo dhaweeyay xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli.