14 qof oo isugu soo haray qabashada xilka madaxa fulinta ee EACC

0
530

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in codsiyo la soo dirsaday oo ku aaddan xilka madaxa fulinta ee guddigan lagu soo reebay 14 qof.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo xushay liis ka kooban 172 oo ah codsiyo soo gaaray guddiga EACC.
Waxaa 14-ka qof laga soo xusay 47-da ismaamul ee uu waddanka ka kooban yahay.
17-kii bishii hore ayay ahayd markii la xayaysiiyay in jagadan ay bannaan tahay.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in 14-ka qof lagu casuumay wareysiyo oo la turxaan bixin doono 19, 20 iyo 21-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Turxaan bixinta ayaa ka dhici doonta xarunta dhexe ee guddiga adeegga dadweynaha ee magaalada Nairobi
14 qof ee doonayo inay qabtaan xilka madaxa fulinta ee EACC ayaa kala ah:
Stephen Maisha Ngowa (Kitui)
Doreen Nkatha Muthaura (Isiolo)
Jackson Kaunda Mue (Machakos)
Joseph Vincent Onyango (Nairobi)
Paul Ndemo Maina (Kisii)
Victor Omari Okongo (Siaya)
Peter Lokol Lomulen (Turkana)
Obadiah Kipkoech Keitany (Baringo)
John Tentemo Ole Moyaki (Kajiado)
David Kiplagat Ruto Too (Uasin Gishu)
Cabdi Maxamad Maxamuud (Garissa)
Justa Wawira Mwangi (Embu)
Maxamad Cabdul Mmaka (Lamu)
Waweru Karanja (Laikipia)
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddo xileedka madaxa fulinta ee EACC Twalib Mbarak uu ku eg yahay bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.