Dowlaadda oo hal tirilyoon qoondeysay si loo hubiyo in dhammaan kenyaanka ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan sanadka 2030-ka

0
467

Dowladda dhexe ayaa ku dhawaaqday in uu heer gabogabo ah marayo qorshaha lagu xaqiijinayo in dhammaan dadweynaha ay biyo ku filan u helaan marka la gaaro sanadka 2030-ka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo maareynta wasaqda ee dalka Julius Korir ayaa sheegay in qorshahan ay ku bixi doonta dhaqaale dhan hal tirilyoon oo shilin.
Waxaa uu sheegay in wadarta guud ay misaaniyadda sanadkan ee biyaha ay tahay 32 bilyan oo shilin.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in 23 bilyan oo dhaqaale ka mid ah ay ka heleen deeq bixiyayaasha sida bangiga adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika, halka 7 bilyan ay bixisay dowladda iyo saamileyda kale.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ku dadaalayaan sidii qoys waliba uu u heli lahaa biyo nadiif ah.