Aqalka sare oo toddobaadka dambe yeelanaya kal-fadhi ku saabsan xil ka qaadistii Gachagua

0
611

Aqalka sare ee dalka ayaa toddobaadka dambe go’aamin doona masiirka madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Guddoomiyaha aqalka sare ee waddanka Amason Kingi ayaa sheegay in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadka dambe uu golaha senetka yeelan doona kal-fadhi gaar ah oo lagu eegaya tallaabadii ay shalay golaha qaran ee xeer dejinta ay xilka uga xayuubiyeen ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Aqalka sare ayaa sidoo kale meesha ka saaray soo jeedin ka timid hoggaamiyaha aqlabiyadda senetka ahna senetarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot.
Aaron Cheruiyot ayaa soo jeediyay in guddi ka kooban 11 xubnood oo aqalka sare ah loo xilsaaro dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Gachagua, ka dibna ay go’aan ka gaaaran.
Hasa ahaate, waxaa oo soo jeedintaasi ku gacan seyray senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna.
Aqalka sare ayaa isku raacay in toddobaadka dambe ay si wadajir ah xubnaha senetka ay u ayidaan go’aanka xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saaraan.
Dhanka kale, kooxda sharciga ee Gachagua ayaa lagu amray inay soo gudbiyaan jawaabahooda maalinka Isniinta ka hor inta uusan dhageysiga dacwaddan aynan billaaban Arbacada ee toddobaadka dambe.
Xalay ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka dalka ay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Rigathi Gachagua codkooda ku taageeray 281 xildhibaan ah halka 44 kale ay ka soo horjeesteen, iyadoo hal mudane oo uu kalfadhigga ka maqnaa.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa shaaciyay in mooshinka uu meel maray sidaasi awgeedna Rigathi Gachagua laga xayuubiyay jagadii uu hayay.