Maxkamadda Nyahururu oo nin ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 50 milyan ama xabsi 30 sano

0
559

Maxkamad ku taalla magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia ee ayaa ganaax lacageed oo dhan 50 milyan oo shilin ama taa beddelkeed uu mutaysanaya xabsi 30 sano ah ku ridday nin ku eedeysan ka ganacsiga daroogada.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah ka ganacsiga maandooriyaha nooca Xashiishka oo qiimo ahaan dhan 41 milyan oo shilin.
Garsooraha maxkamadda Nyahururu Fredrick Larabi ayaa xukunka ku riday Bernard Waiguru Mwangi oo lagu caddeeyay inuu sitay 1,422 kiilogaraam oo daroogada Xashiishka ah.
Garsoore Fredrick Larabi ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ay kiiskan u soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah si waafaqsan halbeegyada sharciga.
Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay ilaa 5 marqaati ah oo ninkan ku caddeeyay dacwadda lagu soo oogay iyo inuu ku sugnaa halka uu dembigu ka dhacay.
Waxay maxkamadda sidoo kale hoosta ka xarriiqday in eedeysanaha uu ku guul darreysatay inuu iska beri yeelo eedeymaha loo soo jeediyay taasoo sababtay in xukun lagu rido.
Eedeysanaha ayaa dambigan galay bishii Koowaad ee sanadkan.