Hal milyan oo Kenyaan ah oo cunno yari wajahaya

0
173

Ugu yaraan hal milyan oo qof oo ku nool Kenya ayaa la daala dhacaya cunno yari, iyadoo maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA uu sheegay in dadkan ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.
Maamulka qaran ee NDMA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dadka cunno yarida wajahaya ay ku nool yihiin 23 ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu waddanka ka kooban yihiin.
NDMA ayaa intaasi ku dartay in carruur ay da’doodu u dhexeysa 6 ilaa 59 bilood ay nafaqo darro wajahayaan islamarkaana ay u baahan yihiin daweyn iyo gargaar degdeg ah.
Carruurta nafaqada u baahan ayay tiradoodu tahay 760,488 halka tirada haweenka ee uurka ah ama carruurta nuujinaya ee dhibaatadan ay haysato ay tahay 112,401.
Bishii toddobaad ee sanadkan, hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee adduunka ee FAO iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in tirada dadka u baahan caawimaad dhanka cunnada ah ee Geeska Afrika ay gaareyso 66.7 milyan.
39.1 milyan oo dadkan ka mid ah ayaa ka soo jeeda waddamada kala ah Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda.