Gachagua oo sheegay inuusan ku dhiiraan inuu is casilo

0
130

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ballan qaaday inuu is difaaco doona, iyadoo uu qorshuhu yahay in 5-ta galabnimo ee maanta uu hor taggo baarlamaanka waddanka.
Waxaa uu meesha ka saaray inuu is casilo doono.
Gachagua ayaa xusay in ka hor inta uusan xalay fiidkii qaranka la hadlin, ay jirtay hadal hayn badan oo ahayd inuu is casili doono.
Waxaa uu sheegay in 7.2 milyan oo Kenyaan ah ay soo doorteen, islamarkaana uusan ku dhiiran inuu is casilo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa rajo ka muujiyay in xilka qaadista ka dhan ah meesha laga saari doono.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaysan jirin wax khalad oo uu ka galay qaranka, islamarkaana uu daacad u yahay maamulka madaxweyne William Ruto.
Toddobaadki hore ayay ahayd markii xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi, Mwengi Mutuse uu golaha qaran ee xeer dejinta u gudbiyay mooshin uu ku doonayo in xilka looga qaado Gachagua.