Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo caawa qaranka la hadlay ayaa sheegay in 5-ta galabnimo ee berri uu hortegi doona baarlamaanka si uu isu difaaco.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi Mwingi Mutuse uu baarlamaanka la wadaagay eedeymo aan xaqiiqda ku saleysneen.
Wuxuu eedeymaha uu wajahaya ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Ku xigeenka madaxeynaha dalka ayaa xusay in walaalkiis oo geeriyooday sanadkii 2017-kii islamarkaana soo noqday barasaabkii ugu horreyay ismaamulka Nyeri Nderitu Gachagua uu dhexal uga tegay.
Waxaa uu sheegay in aragtida dadweyanaha aan loo qaban si sharciga waafaqsan.
Gachagua ayaa xusay in inta uusan siyaasadda ku soo biirin uu ganacsade ahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in carruurtiisa aysan wax ganacsi ah la sameynin dowladda, islamarkaana shirkado gaar ah ganacsiyo kala dhexeeyaan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaqaalo uu lahaa walaalkii geeriyooday lagu tilmaamay in isaga uu leeyahay.