Maxkamadda sare oo markii labaad diiday codsi lagu doonayay in baarlamanaka laga hor istaago xil ka qaadista Gachagua

0
167

Maxkamadda sare ee dalka ayaa markii labaad diiday inay bixiso amarro xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta looga hor istaagayo inay ka doodaan qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa go’aankan maanta soo saaray garsoore Bahati Mwamuye.
Garsooraha ayaa faray in dacwadda uu soo gudbiyay xoghayihii guud ee hore ee xisbiga talada waddanka ee UDA Cleopas Malala la horgeeyo garsooraha maxkamadda sare Chacha Mwita si uu u bixiyo tilmaamo dheeraad ah.
30-kii bishii hore ayay markii maxkamadda sare ee dalka ay diiday inay bixiso amar ay si ku meel ah ku joojinayso in baarlamaanka uu ka dooda mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.
Dacwaddaasi oo uu gudbiyay Cleophas Malala ayaa doonayay in maxkamadda ay golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ka mamnuucdo in ay ka doodaan ama ay ku dhaqaaqaan mooshinka xil ka ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua.
Malala ayaa ku dooday in labada aqal aynan haysanin shuruudihii looga baahnaa ee ah saddex meelood labo meel, sidaas darteedna ay jabinayaan qodobbada dastuurka ku xusan.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadoo uu qorshuhu yahay in golaha qaran ee xeer dejinta uu berri ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.