Madaxa cadaaladda oo magacowday 100 garsoorayaal oo kormeeri doona dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa

0
108

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa magacowday 100 garsoorayaal oo qaabilsanaan doona kormeerida dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa iyo dhaqaalaha.
Waxay sheegtay in garsoorayaashan ay sii wadi doonaan ka shaqeynta xarumaha maxkamadaha ay hadda joogaan.
Madaxa cadaaladda ee waddanka ayaa xustay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda garsoorka si loo maareeyo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalaha.
Magacaabistan ayaa dhaqangaleysa laga billaabo maalinta Talaadada ah ee 8-da bishan.
Garsoore Martha Koome ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan looga golleeyahay in sare loogu qaado wax ku oolnimada la dagaallanka musuqmaasuqa.