Gachagua oo madaxweynaha dalka ka codsaday inuu caafiyo

0
232

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka codsaday madaxweyne William Ruto inuu cafiyo haddii uu mar un ku xadgudbay ama uu jeediyay hadallo meel ka dhac ku ah madaxweynaha.
Waxaa uu sidoo kale ka codsaday dhammaan xildhibaanada baarlamaanka dalka inay cafiyaan.
Gachagua ayaa dhanka kale kenyaanka ka dalbaday inay ka cafiyaan khaladadkii uu galay.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu qorshuhu yahay in golaha qaran ee xeer dejinta uu maalinka Talaadada ee 8-da bishan ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Xildhibaanada golaha qaran xeer dejinta ayaa Gachagua ku eedeyeen, inuu ixtiraami darro u muujiyay madaxweynaha dalka iyo inuu si sharci darro hanti badan ku sameeyay muddada uu xilka haya.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa eedeymahaasi iska fogeeyay.