Qaraxyo waaweyn oo khasaare gaystay oo laga maqlay koonfurta Beirut

0
119

Militeriga Israa’iil ayaa duqaymo cusub ka gaystay koonfurta caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan.
Duqeymahan ayaa ku soo aadaya iyadoo militeriga Israa’iil ay soo saareen amarro cusub oo dadku uga baxayaan koonfurta Beirut.
Israa’iil ayaa sheegtay in xarumaha iyo saldhigyada ururka Xisbullah ay ku yaallaan koonfurta magaalada Beirut.
Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay xalay 4 weerar oo khasaare gaystay ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee Beirut.
Warbaahinta Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in labo weerar lala beegsaday goobo ku yaalla deegaanka Choueifat, oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Rafiic Al Xariiri.
Ururka Xisbullah ayaa awood xooggan ku leh xaafadaha koonfureed ee Beirut, halkaas oo muddooyinkii dambe lala beegsanayay duqeymo.
Xisbullah ayaa dhankooda weerarro ku qaaday waqooyiga Israa’iil iyagoona sheegay inay gantaallo ku rideen saldhig ciidanka cirka ah oo u dhow magaalada Haifa.