Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhashay muran dhuleed oo laga soo tabiyay deegaanka Bangal ee ismaamulka Tana River.
Dagaal beeleedka ayaa ka dhacay ilaa dhowr tuulo oo hoostaga deegaanka hoose ee Bangal, kaas oo soo billowday toddobaadkii hore.
Beelaha dagaalamay ayaa isu adeegsaday qoryo, falaar iyo agaabyada kale ee lagu dagaalamo, iyadoo ciidamada ammaanka ay la tacaalayeen sidii ay u xakameyn lahaayeen dagaalka.
Dad badan oo deegaanka ah ayaa ku barakacay iska hor imaadyadan.
Booliiska ayaa sheegay in dadka la laayay ay gabaad ka dhiganayeen iskuullo iyo goobo kale oo ay bulshada adeegsato.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in afar ka mid ah dadkan lagu dilay Nanighi, labo looga takhalusay aaga KBC iyo 2 ka mid ah deegaanka Caanoole.
Dilalalkan ayaa dhacay maalmihii khamiistii, jimcihii iyo maanta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 60 guri la gubay.
Booliiska ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ay dhacaan aargoosi dilal ah.