Waxaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi maanta laga soo tabiyay rabshad ka dib markii koox dhallinyaro ah ay weerareen Morara Kebaso oo ah shakhsi u ololeeya arrimaha bulshada.
Morara Kebaso oo xarunta Bomas tegay ayaa dhallinyaro ka hor istaageen in aragtidiisa uu ku biiraya qorshaha xilka looga qaadaya ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Morara Kebaso ay waxyeello soo gaartay islamarkaana hataan lagu dabiibaya isbitaal ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xarunta Bomas ee magaalada Nairobi lagu qabtay maanta munaasabad lagu aruurinayay aragtida dadweynaha ee qorshaha xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Munaasabadan oo lagu uruurinayay aragtida dadweynaha ee ismaamulka Nairobi ee ku aadan qorshaha ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa la soo tabiyay rabshad, taasoo keentay in la carqaladeeyo habsami u socodka howshan.
Morara ayaa baraha ay bulshada ku wada xiriirto muddooyinkii dambe ku soo bandhigayay muuqaallo uu ku dhaliilaya dowladda gaar ahaan in aynan ka dhabeyn ballanqaadyada ku saabsan fulinta mashaariicda horumarineed.