Qaar ka mid ah Ehellada iyo Dadkii ay soo wada shaqeeyeen Taliyihii Saldhigga booliska ee Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho Axmad Sh C/laahi Baashane ayaa ka hadlay shaqsiyadiisa iyo sidii uu u ahaa qof u adeegga Qarankiisa daacad u ahaa.
Aabe Cabdulaahi Baashane oo dhalay Sarkaalka la dilaya ayaa sheegay inuu Wiilkiisa u hibeeyay qarankiisa uuna ahaa qofka carruurtiisa ug baarisan oo ugu firfircoon.
Maxamad Nuur waa Darawalkii AUN Taliyihii degmada Saldhigga Degmada Waabari Axmed C/laahi Baashane wuxuuna sharaxayaa qofnimadii uu ku yaqaanay muddo sanado badan ah oo ay soo wada shaqaynayeen.
Gaashaanle Maxamad Maxamuud Axmad Biikole wuxuu ka tirsan yahay hoggaanka barista danbiyada Soomaaliya wuxuuna ka hadlay aqoonta uu u lahaa Axmad Baashane Taliyihii degmada Waabari ee Qaraxa lagu dilay.
Sanadkiii 2011 ayaa ex gaashaanle Axmed C/laahi Baashane waxaa lagu dalacsiiyay Khaarajintii Fasuul Cabdalla oo ahaa Madixii Alqaacida ee bariga Afrika maadaama uu isagu ahaa shakhsigii kaalinta ugu weyn ka qaatay Dilkii hoggaamiyahaas Alqaacida kaasoo madaxiisay horay lacag badan loo dul dhigay.
Axmad C/laahi Baashane Ayaa Xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuuna ifka kaga tagay 4 Xaas iyo 14 Carruur ah.