Maxkamadda sare oo hakisay dhaqangelinta maalgelinta tacliinta jaamacadaha

0
238

Maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u hakisay dhaqangelinta hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta jaamacadaha ee waddanka.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Chacha Mwita.
Waxaa uu sheegay in xayiraaddan ay shaqeyn doonto ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya dacwad uu maxkamadda u gudbiyay guddiga arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC).
Dacwaddan ayaa la dhageysan doona 16-ka bisha 12-aad ee sanadkan.