DHAGEYSO:26 burcad ah oo dhibaatooyin u gaysanayay bulshada oo lagu xiray Diani

0
157

Booliiska deegaanka hoose ee Diani ee ismaamulka Kwale ayaa gacanta ku dhigay 26 qof oo dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad dhibaatooyin u gaysta dadweynaha deegaankaasi.
Burcaddan ayaa laga soo qabtay goob ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku taalla deegaanka hoose ee Diani.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale Josphat Mutisya ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah wadaan, si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaad kale oo falalkan lala xiriirinaya.