Kenya oo muwaadiniinteeda ku sugan Lebanon ku boorrisay in ay isku diiwaangeliyaan daadgureyn

0
201

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinta ku sugan waddanka Lebanon ku boorrisay in ay isku diiwaangeliyaan daadgureyn maadaama walaac xooggan laga muujinaya xaaladaha isa soo taraya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo ciidamada militeriga Israa’iil ay wali duqeymo ka gaysanayaan koonfurta dalka Lebanon.
Waaxda arrimaha qurba joogta ee Kenya ayaa rayidka ku nool Lebanon kula talisay in ay dalkaasi ka baxaan ama ay u wareegaan meelo ay ku badbaadi karaan.
Waxay ka codsatay dhammaan Kenyaanka ah doonaya in la daadgureeyo inay ugu dambeyn is diiwaangeliyaan 12-ka bishan.
Kenyaanka ay ehelladooda ku sugan yihiin Lebanon ayaa laga codsaday in ay la xiriiraan nambarka taleefoonka ee ah +254114757002, si howshan la isugu dubarido.