DHAGEYSO:Wasiirka dhulalka ee ismaamulka Mombasa oo la xiray

0
201

Waxaa lagu soo warramayaa in laamaha ammaanka ay xireen wasiirka wasaaradda dhulalka iyo kaabayaasha ee ismaamulka Mombasa Maxamad Xuseen.
Waxaa la xiriirinaya inuu qayb ka yahay afduub, jirdil iyo faraxumeyn loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada wax ku qoro kaas oo dhaliil u jeediyay barasaabka dowlad deegaanka Mombasa.
Wasiirka ayaa la filayaa in galabta la soo taago maxkamadda Shanzu ee magaalada Mombasa.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Sharrif Nassir uu ka gaabsaday eedeymo loo jeediyay.