DHAGEYSO:Gachagua oo caqabadaha uu wajahaya u aaneeyay in lagu dhibsaday run sheegidiisa

0
170

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in culeysyada siyaasadeed ee uu wajaho ay yihiin kuwo ku saleysan in lagu dhibsaday sida uu hadalka u dhigay ka run sheegidda arrimaha kala duwan ee dhanka hoggaanka.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Meru ayuu Gachagua xusay in mooshinka xil ka qaadista ee isaga ka dhanka ah ee la hadal hayo uu yahay mid la doonaya in lagu weeciyo rabitaanka shacabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto si wadajir ah loogu codeeyay si ay kenyaanka ugu adeegaan muddo shan sano ah.
Gachagua ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay in aynan ku mashquulin in ay saameyn ku yeeshaan rabitaanka dadweynaha iyadoo la adeegsanaya siyaabo kale.
Waxaa uu madaxda uga digay in ay waqti xaadirkan diiradda saaraan siyaasad uu ku tilmaamay mid aan micno wayn lahayn oo salka ku haysa bartilmaameedsi shakhsiyadeed iyo hagardaamo.

Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga, ayaa xildhibaannada qorsheynaya in ay xilka ka qaadaan madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua u sheegay in taasi ay ka dhalan doonto cawaaqib wayn oo siyaasadeed gaar ahaan gobolka bartamaha waddanka.