Saraakiisha waaxda dambi baarista ee xaafadda Githurai ayaa xiray askari ka howlgalo saldhigga booliiska ee Kimbo.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dil gaystay.
Warbixinta laamaha ammaanka waxaa ku cad in John Mutembei oo 24 sano jir ahaa uu isbitaalka ku geeriyooday xilli laga daaweynayay dhaawacyo ka soo gaaray toogasho uu u gaystay sarkaalka la xiray.
Toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow goobta lagu caweeyo ee Goteana Bar ee Githurai Kimbo.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababtii keentay in eedeysanaha uu qofka geeriyooday toogto waxaana socdo baaritaano lagu ogaanaya xaqiiqada.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale la wareegay hubkii loo adeegsaday toogashada waxaana uu qorshuhu yahay in sarkaalka booliiska berri maxkamadda la soo taago.