Xasan Cumar oo sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka si mid ahaan doonin xisbiga UDA haddii xilka laga xayuubiyo

0
198

Xoghayaha guud ee xisbiga talada waddanka haya ee UDA Xasan Cumar ayaa sheegay in la qorsheynayo in xubinnimada xisbiga laga saaro madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Xasan Cumar ayaa xusay in ku xigeenka madaxweynaha dalka uusan xisbiga ka sii mid ahaan doonin haddii uu baarlamaanka meelmariyo xil ka qaadiistiisa.
Waxaa uu ku tilmaamay in madaxweyne ku xigeenka waddanka uu khatar ku yahay midnimada qaranka.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDA ayaa sheegay in Gachagua ay siyaasadiisa ku saleysan tahay qowmiyad gaar ah, taas oo uu tilmaamay in dalka u horseedayso kala qaybsanaan.