3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Elgeyo Marakwet

0
156

Waxaa la xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay deegaanka hoose ee Kerio oo ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Kerio Valley ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Shilka ayaa xalay fiidkii ka dhacay aagga loo yaqaano Tot.
Saddex qof ayaa isla goobta ku dhintay kuwaas oo saarnaa mooto ka dib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah oo biyo siday.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee aaga dhacdadan laga soo tabiyay Zablon Okoyo.
Taliyaha ayaa sheegay in gaariga xamuulka oo ay leeyihiin booliiska uu biyo u siday askar deggan xero ciidan oo ku taalla deegaanka hoose ee Kerio.
Taliyaha ayaa gaadiidleyda ugu baaqay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.