Waddooyin ku yaalla Nairobi oo Axadda la xiraya

0
283

Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Axadda ee 29-ka bishan la xiro 9 ka mid ah waddooyinka caasimadda dalka ee Nairobi.
Tani ayaa loo aaneeyay in maalinkaasi la qabanaya tartanka baaskiilka.
Waxaa tartankan qabanaya caymiska Jubilee.
Waddooyinka la xiri doono ayaa waxaa ka mid ah Southern Bypass-Langata Road iyo Bunyala Road.
Agaasimaha guud ee maamulka dhisa waddooyinka magaalooyinka ee (KURA) Silas Kinoti, ayaa sheegay in sidoo kale la xiro doono waddooyinka kala ah waddada Haille Sellasie ilaa xarunta NHIF, waddada weyn ee Uhuru ilaa garoonka cayaaraha ee Nyayo Stadium.
Waxaa gaadiidleyda lagula taliyay inay waddooyin kale adeegsadaan maalinkaasi iyadoo saraakiisha taraafikada ay kala hagi doonaan baabuurta.
Waddooyinka ayaa xirnaan doono inta u dhexeysa 12-ka saqda dhexe ee habeenimo ilaa 1-da duhurnimo ee Axadda soo socoto.
Tartanka baaskiillada ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan ilaa 2,500 oo qof oo ka kala socda 21 waddan oo ay ku jiraan dalalka kala ah Itoobiya, Eritera, Maraykanka iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here