Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku eedeyay madaxweynaha dalka William Ruto inuu ka dambeeya qorshaha la hadal hayo ee lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.
Kalonzo ayaa xusay in qorshahan maamulka uu hoggamiyo madaxweyne Ruto ku doonayo inuu dareenka shacabka uga weeciyo arrimaha qaranka.
Hoggaamiyaha Wiper ayaa sheegay in mucaaradka uunan taageeri doonin dowladda islamarkaana ay ka soo horjeedaan isku day kasta oo lagu doonayo in xilka looga qaado Gachagua.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo madaxweynaha dalka ku eedeyay qorshaha xilka looga qaadayo Gachagua