Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay in xarunta KICC lagu wareejiyo waaxyo gaar ah

0
308

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ku dhaawaqday in xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi aanan lagu wareejin karin waaxyo gaar ah.
Garsoore Chacha Mwita ayaa sheegay in dhammaan xarumaha dowladda aanan lagu wareejin karin shirkado gaar ah maadaama aynan dastuuri ahayn.
Maxkamadda sare ayaa dhammaan sharci darro ku tilmaantay xeerka loo yaqaanay Privatisation Act 2023.
Garsoore Chacha Mwita ayaa xusay in xeerkan uunan shaqeyneenin maadaama aan laga qaybgelin dadweynaha ka hor inta aan la ansixin.
Waxaa uu go’aankiisa u aaneeyay in xarunta KICC ay tahay dhaxal qaran oo loo baahan yahay in la ilaashado.
Sanad ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu saxiixay hindise sharciyeed ku saabsanaa in shirkadaha dowladda ee uunan waxqabadkoodu wanaagsanayn lagu wareejiyo waaxyo gaar ah si ay sare ugu qaadaan oo ay u wanaajiyaan.
Hasa ahaate, xisbiga ODM ayaa xilligaasi maxkamadda u gudbiyay dacwad uu arrinkan uga soo horjeedo.