OCHA oo ka hadashay saamaynta roobabka ee Soomaaliya

0
814

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee OCHA ayaa warbixin ka soo saaray khasaarihii ka dhashay roobkii Maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay deegaano dalka Soomaaliya ka mid ah.
Warbixintaan waxaa lagu soo bandhigay in roobabka oo daadad watay ay sababeen dhimashada 25 Ruux oo ay ku jiraan sagaal caruur ah oo dhintay ka dib markii gurigoodii ay Biyaha Roobku ugu Galeen Magaalada Muqdisho iyo afar qof oo ku dhimatay Danab ka dhashay Roobka oo ku dhacay deegaano Puntland ka tirsan 5tii Bishaan.
Sidoo kale Hay’ada OCHA ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ay Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ay sababtay barakaca 25,000 oo Qoysas ku noolaa 15 tuulo oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Dhinaca kale Hay’adda FAO ee Cunada iyo beeraha u qaabilsan Q.M ayaa ka digtay halista ugu dhow ee daadad aan horay loo arag oo laga filayo webiga Shabeelle maalmaha soo socda iyo walaaca laga qabo inuu saameeyo dadka ku nool Beled Weyne iyo deegaanda kale ee webiga jiinkiisa.
Warbixinta OCHA ayaa sidoo kale lagu xusay in wabiga Jubba uu Jabiyay qararka dhanka Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, isagoo gaaray 4.70 mitir, kaasoo 20 mitir ka sareeyaa heerka fatahaada dhexdhexaadka ah, isla markaana uu ku fatahay sadex tuulo oo hoos taga Magaalada Doolow.